Sunday, March 29, 2015

MaahMaah

MAAN QABOW MA MARANTIDEE IGA HANO MURTIDA

Saddex saddex lama heshiiso
  • Nin qosol badan iyo qoonsimaad badan
  • Nin quul jecel iyo nin aan u quudhin
  • Nin qab wayn iyo nin aan u qabin

Saddex buu raggu is dher yahay
  • Garashada waxa soo socda
  • Wax ka qabashada waxa jooga
  • Ka samridda waxa tegay

. Saddex baa la yidhi:
·         Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin;
·         Afartan jir ha la garramin;
·         labaatan jirna ha la legdemin.

. Saddex baa rag u liita;
·         Ma toshe,
·         Ma tashade  
·         Ma tashiishe

. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurtowdo:
·         Ilaahow guursan maayee wiil i sii;
·         Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii;
·         Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.

. Saddex lama arag:
·         Marti nin ka yar,
·         Muddo maalin ka yar,
·         Salaad ragcad ka yar,

. Saddex lama raaco:
·         Ma horreeye,
·         Ma hambeeye
·         Ma haasawshe.

. Saddex looma adkeysto:
·         Gaajo guri og,
·         Gardarro garab og,

. Saddex markaan bartaan ka gaboobay:
·         Dab ollolintiis,
·         Carruur aamusinteed,
·         Awr carraabintiis.

. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan:
  • Faraska xun,
  • naagta xun
  • hoyga xun; haddana.

. Saddex col baa jira,
·         Col cad ,                  [colka cad waa biyaha]
·         Col cas,                   [colka casna waa dabka]
·         Col madaw, ,            [colka madawna waa dadka]

Saddex saddex loogama tago
  • Waad dad yar tahay dirir loogama tago
  • Duunyo ayaad ledahay deeq loogama tago
  • Waad da’wayn tahayna dumar loogama tago
.
Saddex la lama dego,
·         doqon fiiro taqaan,
·         fulay daandaansi yaqaan
·         geesi damac yaqaan.

. saddexna la lama saaxiibo,
·         nin aan rabi aqoon,
·         nin aan rag aqoon
·         nin aan run aqoon.

Saddex baa rag u wanagsan
  • Nin tolkii u nacasa
  • Shiisheeyana u nacaba
  • Reerkiisana u naaga.

Saddex saddex kama dheregto
  • Ili daymo kama dheregto
  • Dhulna biyo kama dherego
  • Dhagona war kama dheregto.

Saddex dumar laguma qabo
  • Gasiin xumo
  • Gogal xumo
  • Galmo xumo

Saddex naagtaada kugu nacda
  • Hambo la’aan
  • Hammo la’aan
  • Hammi la’aan

Saddex saddex bay ka tagtaa
  • Roobku rays buu ka tagtaa
  • Raggu rayi buu ka tagtaa
  • Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa



Saddex waligaa lama raaco
  • Rag ka faqaya
  • Rafiiq nimaad tihiin oo ku qadshay
  • Rag talo ka reebay

Saddex raga wuu ku cimri deg degga
  • Gogal xumo
  • Gasiin xumo
  • Carrab kulul

Saddex dadka kugu naca
  • Xishood la’aan
  • Xilo la’aan
  • Xoolo la’aan

Saddex tolkabaa kugu naca
  • Hiil la’an
  • Hoo la’aan
  • Hoy la’aan

Saddex saddex baa lagu kabaa
  • Aqalka oo ka yar ardaa ba lagu kabaa
  • Aqoontaada oo yar aamus ba lagu kabaa
  • Aduunkaaga oo yar iimaan ba lagu kabaa

Saddex saddexba lagu cadeeya
  • Hadal run ba lagu cadeeya
  • Ilko caday b alagu cadeeya
  • Mindi saawin ba lagu cadeeya

Saddex waa loo gudaa
  • Gabadh waa loo gudaa
  • Geedi waa loo gudaa
  • Ciyaar waa loo gudaa

Saddex saddex looma tilmaamo
  • Cuulimo cad looma tilmaamo
  • Carmal guur looma tilmaamo
  • Carrab lo’ad caws looma tilmaamo

Saddex waa la raacaa
  • Nin ka caqli badan
  • Nin ka cilmi badan
  • Nin ka cuud badan

Saddex saddex lagama dayo
  • Ragg shir lagama dayo
  • Dumar sheeko lagama dayo
  • Xoolana hees lagama dayo

Saddex wad ku degtaa
  • Guri barwaqo
  • Gaari naageed
  • Gar cadaaladeed

Taajirnimadu waa saddex
  • Cuud ka taajir
  • Caqli ka taajir
  • Cilmi ka taajir

Saddex ma nabadgasho
  • Nin madax la saaxiibay
  • Nin sun la waraabshay
  • Nin sirtiisa haween u sheegay

Dumarku waa saddex
  • Naag gogal wacan
  • Naag gasiin wacan
  • Naag galmo wacan

Saddex lama badsado
  • Fadhi xidid
  • Soor fagaare
  • Ficil sokeeye

Saddex ba horimar lagu gaadha
  • Hadal yar
  • Hawl badan
  • Hogaan wanagsan

Saddex ba dib u gocosho leh
  • Gabadh gayaankeed ku gacan saydhay
  • Gallad aad baran weyday
  • Garaad garasho waayay

Saddex baa suldaanka lagu eega
  • Garta
  • Guntiga
  • Gacanta

Saddex dumarku way neceb yihiin
  • Aamuska
  • Kelinimada
  • La xisabtanka

Saddex bay naagi kugu disha
  • Dhal la’aan
  • Dhaqaale xumo
  • Dhego adayg

Saddex nin midna la lama haasawe tago
  • Nin ka qurux badan
  • Nin ka hadal badan
  • Nin ka dheereeya

Saddex waa lagu jabaa
  • Jaar xun
  • Jikaar waalid
  • Jacayl aan lagula ogayn

Saddex daacad ha-moodin
  • Dagaal ooge qabiil
  • Deeq shiisheeye
  • Dumar dhoole cadayntood

Saddex ayaa dumarka ugu fiican
  • Hambo kugu celisa
  • Hadal kaa maqla
  • Hanti kuu dhaqa

Saddex reer ma tarmaan
  • Reer habaar waalid qaba
  • Reer dhiig qarsoon qaba
  • Reer timo dheer u taliso

Saddex dumarku kuma wanagsan
  • Fudayd
  • Feejig la’aan
  • Fadhi weyni

Saddex daymo badanaa
  • Nin walaashii doqon tahay
  • Nin dameer safar u diray
  • Nin yar oo dakano galay

Saddex ilaahay ba laga magan gala
  • Guluf dagaal oon tol badan lahayn
  • Gabadh aan xishood lahayn
  • Geeri aan ubad lahayn

Saddex looma dhawaado
  • Dharaarin sabool
  • Dhuuni nin buka
  • Dhaxdin reer xun

Saddex ba madaxnimo ka qaada
  • Guddoon jilicsan
  • Gar weecsan
  • Gacan gudhan

Saddex lama arag
  • Bakeyle talaabsanaya
  • Badhi ciyi ah
  • Balaayo laba qad ah

Saddex laguma galo
  • Bilaad aan boqor lahayn
  • Ban aan faras lahayn
  • Barqo aan caano lahayn

Saddex lama dago
  • Wado lama dago
  • Geed wahdiya lama seexdo
  • War la hayana lama dhaafo

Saddex saddex loogama maarmo
  • Oday arrin loogama maarmo
  • Aqalna afaaf loogama maarmo
  • Ubadna deeq loogama maarmo

Saddex waa laga tagaa
  • Tub aan ceel hayayn
  • Taran aan wiilal lahayn
  • Talo aan caadil lahayn



Saddex waa laga ducaytaa
  • Talo aan tawfiiq lahayn
  • Taws aan ka bogsi lahayn
  • Tigaad aan biyo lahayn

Saddex waa lagu tarmaa
  • Hoo waalid
  • Hayn cibaado
  • Hagar la’aan tol

Saddex waa xarago adduunyo
  • Qabiil wanagsani
  • Hadal karnimo
  • Hanti badni

Inkaarta dadku waa saddex
  • Af-ku leeble
  • Il-ku leeble
  • Uur ku leeble

Saddex waa lagu hoogaa
  • Ka tagid cibaado
  • Ku tumasho waalid
  • Ka tegid sokeeye

Saddex laguma deg-dego
  • Masalo guur
  • Maqrib roobabow
  • Madi dhaxalkii

Saddex kama hadho
  • Nabsi kama hadho
  • Nasiib kama hadho
  • Nasab kama hadoho

Saddex ba aabaha laga dhaxlaa
  • Magaciisa
  • Maalkiisa
  • Murtidiisa

Taladu waa saddex
  • Mar aad gaadhi weydiid
  • Mar ay kula gudboon tahay
  • Mar aad garan eydiid

Saddax waa lagu xamdiyaa
  • Cafimaad qab
  • Cimri dheeri
  • Cuud xalaala

Nin saddex buu nin u yahay
  • Nin naagtiisuu nin u yahay
  • Ninna afkiisa u nin yahay
  • Ninna maalkiisu yahay

Saddex weligaa haysku deyin
  • Labaatan jir la oradkii
  • Afartan jir lagdankii
  • Lixdan jir la gartankii

Saddex rajo male
  • Caalin xishood lagu waaniyey
  • Ciroole cibaado lagu waaniyey
  • Cadrad xishood lagu waaniyey
  •  
Saddex haysku dayin, saddexna haba ju darin, saddex haw daymo la’aan.
·         Socod haysku dayin
·         Mid habeenimona haba ku darin
·         Dantaadu meeshay ku jirtana haw daymo la’aan

·         Dagaal ha’isku dayin
·         Mid sokeeyana haba ku darin
·         Jihaadna haw daymo la’aan

·         Dumar haysku dayin
·         Habarna haba ku darin
·         Inan yarna haw daymo la’aan

Saddex waa gar, saddexna waa gardarro, saddexna waa galabsigeed.
·         Reerku ha guuro waa gar
·         Sahan la’aan inuu guuraana waa gardarro
·         Guri xun inuu degaana waa galabsigeed

·         In tolkaa wax ku siiyaa waa gar
·         Nin bakhayl ah barina waa gardarro
·         Inuu ku qadiyaana waa galabsigeed

·         Gabadh halagu weydiisto waa gar
·         Gayaankeed inaad u diidaana waa gardarro
·         Inay kugu guumowdaana waa galabsigeed

Saddex waa mugdi, saddex waa u miciin, saddex baa ka macaan, saddexna waxba uga dan ma’aha.
·         Abaar waa mugdi
·         Caws waa u miciin
·         Doog baa ka macaan
·         Nimaan xoolo lahayna waxba uga dan ma’aha.

·         Colaadi waa mugdi
·         Ergo waa u miciin
·         Nabad baa ka macaan
·         Nin dhintayna waxba uga dan ma’aha.

·         Habeen waa mugdi
·         Caddo waa u miciin
·         Maalin baa ka macaan
·         Indhoolana waxba uga dan ma’aha.



Eng : Abdisalan Sa’ed Abdalla Hudur
Graphic Design / Programming / Marketing

Twitter : Abdisalan Hudur
Facebook : Abdisalan Hudur
Skype : Abdislan Hudur
Instagram : Abdisalan Hudur
Google Plus : Abdisalan Hudur
Whatsapp/Viber : +252634407161


54 comments:

  1. U R THE BEST جزاك الله خيرا AAD BAY II CAAWISAY RUNTII BARAAMIJTAAN BAAD KA HEIN INTAAN IYO IN KA BADANBA , FADLAN BOOQO O LADAG BARAAMIJTAAN MAHADSANID https://play.google.com/store/apps/developer?id=Abdirahmaan%28Diirshe%29

    ReplyDelete
  2. Waa Maahmaahyo Xikmad ku dhisan wax badana waan ka Faa'iday

    ReplyDelete
  3. Waa Maahmaahyo Xikmad ku dhisan wax badana waan ka Faa'iday

    ReplyDelete
  4. Replies
    1. M.a mahmahyo wax ku ool ah
      Caaqil u macaan bdn

      Delete
  5. Masha'Allah... Wa murti qeymo badhan

    ReplyDelete
  6. Nin adoo buuka ka taaga
    Adoo bahaana ka tagaa
    Alaa barashadu wacanayeey

    ReplyDelete
  7. Nin adoo buuka ka taaga
    Adoo bahaana ka tagaa
    Alaa barashadu wacanayeey

    ReplyDelete
  8. Mnsh alh aadban uga helay murtidan run ahaanti luqada somaligu waa mid ku hodan murtida

    ReplyDelete
  9. Ebow waa mahadsan sida wanaagsan utabise

    ReplyDelete
  10. Maaaasha Allah
    Marka hore waad mhdsbthy
    Abdi salaan
    Marka xigta wax badan ayaan ka faa,iday runtoo

    ReplyDelete
  11. Masha Allah ilaahay hadinka abaaal mariyo

    ReplyDelete
  12. Maah maahadu waa qurxinta hadalka. Thanks a lot brother

    ReplyDelete
  13. Waa maah mah ku dhisan xukmad alle ha ka Abaalmariyo dadki ku soo dadalay

    ReplyDelete
  14. Maashaa allaaah. Waa maah maah aan u baahnaay wax badan

    ReplyDelete
  15. Mashallh maahmaahyadii aan uga baah naa waan helay mahad sanid

    ReplyDelete
  16. Maansha Allah waxaad moodaa in qalbigayga la ogaa ,kuwii aan u baahnaa ayaa meesha laga soo buuxiya.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  17. M,aAllah waa mahamahyo heer sareeya leh oo sadexleey ah

    ReplyDelete
  18. Aad ayey u mahadsanyihiin inti isku soo howshay inaan aqrisani murtida iyo maahmaahyooyinka mahadsanidiin mar kale

    ReplyDelete
  19. Maasha'allaah runtii aad baan uga bogtay waana ku'mahadsantihiin waqtigiina iyo dadaalkiina

    ReplyDelete
  20. Sc
    Afkii aabbayaasheen oo qurbaha iyo dalkiiba ku gabaabsiyuu na xasuusiyey.
    Afka hala ogaado

    ReplyDelete
  21. Mansha laah wll ilahay cilmiga ha kuubarakeeyo wax badan waca ka baraty
    Waxna iga furfurtah

    ReplyDelete
  22. runtii qormada aad ka u qurux badan iyo maahmaahda soomaalida

    ReplyDelete
  23. Maasha Allah ilaahay ha idinka abaal mariyo

    ReplyDelete
  24. Maasha Allah ilaahay ha idinka abaal mariyo

    ReplyDelete
  25. Wllhi waaa cajiib alla soonaligu hodandanaa mahmahyada tirooyinka halkamid ah ayaapa sidn utiro bdn uma macno bdn kwrn dhamasntood m.a

    ReplyDelete
  26. Waan u bogey! ku soo dar qaarkale. Waan adeegsanayaa meesha ay ku haboontahay. Maashaa allah!

    ReplyDelete
  27. Maskaxdaada xikmada ku dheehan walal alaha ku barakeeyo

    ReplyDelete