Sunday, March 29, 2015

MaahMaah

MAAN QABOW MA MARANTIDEE IGA HANO MURTIDA

Saddex saddex lama heshiiso
  • Nin qosol badan iyo qoonsimaad badan
  • Nin quul jecel iyo nin aan u quudhin
  • Nin qab wayn iyo nin aan u qabin

Saddex buu raggu is dher yahay
  • Garashada waxa soo socda
  • Wax ka qabashada waxa jooga
  • Ka samridda waxa tegay

. Saddex baa la yidhi:
·         Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin;
·         Afartan jir ha la garramin;
·         labaatan jirna ha la legdemin.

. Saddex baa rag u liita;
·         Ma toshe,
·         Ma tashade  
·         Ma tashiishe

. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurtowdo:
·         Ilaahow guursan maayee wiil i sii;
·         Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii;
·         Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.

. Saddex lama arag:
·         Marti nin ka yar,
·         Muddo maalin ka yar,
·         Salaad ragcad ka yar,

. Saddex lama raaco:
·         Ma horreeye,
·         Ma hambeeye
·         Ma haasawshe.

. Saddex looma adkeysto:
·         Gaajo guri og,
·         Gardarro garab og,

. Saddex markaan bartaan ka gaboobay:
·         Dab ollolintiis,
·         Carruur aamusinteed,
·         Awr carraabintiis.

. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan:
  • Faraska xun,
  • naagta xun
  • hoyga xun; haddana.

. Saddex col baa jira,
·         Col cad ,                  [colka cad waa biyaha]
·         Col cas,                   [colka casna waa dabka]
·         Col madaw, ,            [colka madawna waa dadka]

Saddex saddex loogama tago
  • Waad dad yar tahay dirir loogama tago
  • Duunyo ayaad ledahay deeq loogama tago
  • Waad da’wayn tahayna dumar loogama tago
.
Saddex la lama dego,
·         doqon fiiro taqaan,
·         fulay daandaansi yaqaan
·         geesi damac yaqaan.

. saddexna la lama saaxiibo,
·         nin aan rabi aqoon,
·         nin aan rag aqoon
·         nin aan run aqoon.

Saddex baa rag u wanagsan
  • Nin tolkii u nacasa
  • Shiisheeyana u nacaba
  • Reerkiisana u naaga.

Saddex saddex kama dheregto
  • Ili daymo kama dheregto
  • Dhulna biyo kama dherego
  • Dhagona war kama dheregto.

Saddex dumar laguma qabo
  • Gasiin xumo
  • Gogal xumo
  • Galmo xumo

Saddex naagtaada kugu nacda
  • Hambo la’aan
  • Hammo la’aan
  • Hammi la’aan

Saddex saddex bay ka tagtaa
  • Roobku rays buu ka tagtaa
  • Raggu rayi buu ka tagtaa
  • Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa



Saddex waligaa lama raaco
  • Rag ka faqaya
  • Rafiiq nimaad tihiin oo ku qadshay
  • Rag talo ka reebay

Saddex raga wuu ku cimri deg degga
  • Gogal xumo
  • Gasiin xumo
  • Carrab kulul

Saddex dadka kugu naca
  • Xishood la’aan
  • Xilo la’aan
  • Xoolo la’aan

Saddex tolkabaa kugu naca
  • Hiil la’an
  • Hoo la’aan
  • Hoy la’aan

Saddex saddex baa lagu kabaa
  • Aqalka oo ka yar ardaa ba lagu kabaa
  • Aqoontaada oo yar aamus ba lagu kabaa
  • Aduunkaaga oo yar iimaan ba lagu kabaa

Saddex saddexba lagu cadeeya
  • Hadal run ba lagu cadeeya
  • Ilko caday b alagu cadeeya
  • Mindi saawin ba lagu cadeeya

Saddex waa loo gudaa
  • Gabadh waa loo gudaa
  • Geedi waa loo gudaa
  • Ciyaar waa loo gudaa

Saddex saddex looma tilmaamo
  • Cuulimo cad looma tilmaamo
  • Carmal guur looma tilmaamo
  • Carrab lo’ad caws looma tilmaamo

Saddex waa la raacaa
  • Nin ka caqli badan
  • Nin ka cilmi badan
  • Nin ka cuud badan

Saddex saddex lagama dayo
  • Ragg shir lagama dayo
  • Dumar sheeko lagama dayo
  • Xoolana hees lagama dayo

Saddex wad ku degtaa
  • Guri barwaqo
  • Gaari naageed
  • Gar cadaaladeed

Taajirnimadu waa saddex
  • Cuud ka taajir
  • Caqli ka taajir
  • Cilmi ka taajir

Saddex ma nabadgasho
  • Nin madax la saaxiibay
  • Nin sun la waraabshay
  • Nin sirtiisa haween u sheegay

Dumarku waa saddex
  • Naag gogal wacan
  • Naag gasiin wacan
  • Naag galmo wacan

Saddex lama badsado
  • Fadhi xidid
  • Soor fagaare
  • Ficil sokeeye

Saddex ba horimar lagu gaadha
  • Hadal yar
  • Hawl badan
  • Hogaan wanagsan

Saddex ba dib u gocosho leh
  • Gabadh gayaankeed ku gacan saydhay
  • Gallad aad baran weyday
  • Garaad garasho waayay

Saddex baa suldaanka lagu eega
  • Garta
  • Guntiga
  • Gacanta

Saddex dumarku way neceb yihiin
  • Aamuska
  • Kelinimada
  • La xisabtanka

Saddex bay naagi kugu disha
  • Dhal la’aan
  • Dhaqaale xumo
  • Dhego adayg

Saddex nin midna la lama haasawe tago
  • Nin ka qurux badan
  • Nin ka hadal badan
  • Nin ka dheereeya

Saddex waa lagu jabaa
  • Jaar xun
  • Jikaar waalid
  • Jacayl aan lagula ogayn

Saddex daacad ha-moodin
  • Dagaal ooge qabiil
  • Deeq shiisheeye
  • Dumar dhoole cadayntood

Saddex ayaa dumarka ugu fiican
  • Hambo kugu celisa
  • Hadal kaa maqla
  • Hanti kuu dhaqa

Saddex reer ma tarmaan
  • Reer habaar waalid qaba
  • Reer dhiig qarsoon qaba
  • Reer timo dheer u taliso

Saddex dumarku kuma wanagsan
  • Fudayd
  • Feejig la’aan
  • Fadhi weyni

Saddex daymo badanaa
  • Nin walaashii doqon tahay
  • Nin dameer safar u diray
  • Nin yar oo dakano galay

Saddex ilaahay ba laga magan gala
  • Guluf dagaal oon tol badan lahayn
  • Gabadh aan xishood lahayn
  • Geeri aan ubad lahayn

Saddex looma dhawaado
  • Dharaarin sabool
  • Dhuuni nin buka
  • Dhaxdin reer xun

Saddex ba madaxnimo ka qaada
  • Guddoon jilicsan
  • Gar weecsan
  • Gacan gudhan

Saddex lama arag
  • Bakeyle talaabsanaya
  • Badhi ciyi ah
  • Balaayo laba qad ah

Saddex laguma galo
  • Bilaad aan boqor lahayn
  • Ban aan faras lahayn
  • Barqo aan caano lahayn

Saddex lama dago
  • Wado lama dago
  • Geed wahdiya lama seexdo
  • War la hayana lama dhaafo

Saddex saddex loogama maarmo
  • Oday arrin loogama maarmo
  • Aqalna afaaf loogama maarmo
  • Ubadna deeq loogama maarmo

Saddex waa laga tagaa
  • Tub aan ceel hayayn
  • Taran aan wiilal lahayn
  • Talo aan caadil lahayn



Saddex waa laga ducaytaa
  • Talo aan tawfiiq lahayn
  • Taws aan ka bogsi lahayn
  • Tigaad aan biyo lahayn

Saddex waa lagu tarmaa
  • Hoo waalid
  • Hayn cibaado
  • Hagar la’aan tol

Saddex waa xarago adduunyo
  • Qabiil wanagsani
  • Hadal karnimo
  • Hanti badni

Inkaarta dadku waa saddex
  • Af-ku leeble
  • Il-ku leeble
  • Uur ku leeble

Saddex waa lagu hoogaa
  • Ka tagid cibaado
  • Ku tumasho waalid
  • Ka tegid sokeeye

Saddex laguma deg-dego
  • Masalo guur
  • Maqrib roobabow
  • Madi dhaxalkii

Saddex kama hadho
  • Nabsi kama hadho
  • Nasiib kama hadho
  • Nasab kama hadoho

Saddex ba aabaha laga dhaxlaa
  • Magaciisa
  • Maalkiisa
  • Murtidiisa

Taladu waa saddex
  • Mar aad gaadhi weydiid
  • Mar ay kula gudboon tahay
  • Mar aad garan eydiid

Saddax waa lagu xamdiyaa
  • Cafimaad qab
  • Cimri dheeri
  • Cuud xalaala

Nin saddex buu nin u yahay
  • Nin naagtiisuu nin u yahay
  • Ninna afkiisa u nin yahay
  • Ninna maalkiisu yahay

Saddex weligaa haysku deyin
  • Labaatan jir la oradkii
  • Afartan jir lagdankii
  • Lixdan jir la gartankii

Saddex rajo male
  • Caalin xishood lagu waaniyey
  • Ciroole cibaado lagu waaniyey
  • Cadrad xishood lagu waaniyey
  •  
Saddex haysku dayin, saddexna haba ju darin, saddex haw daymo la’aan.
·         Socod haysku dayin
·         Mid habeenimona haba ku darin
·         Dantaadu meeshay ku jirtana haw daymo la’aan

·         Dagaal ha’isku dayin
·         Mid sokeeyana haba ku darin
·         Jihaadna haw daymo la’aan

·         Dumar haysku dayin
·         Habarna haba ku darin
·         Inan yarna haw daymo la’aan

Saddex waa gar, saddexna waa gardarro, saddexna waa galabsigeed.
·         Reerku ha guuro waa gar
·         Sahan la’aan inuu guuraana waa gardarro
·         Guri xun inuu degaana waa galabsigeed

·         In tolkaa wax ku siiyaa waa gar
·         Nin bakhayl ah barina waa gardarro
·         Inuu ku qadiyaana waa galabsigeed

·         Gabadh halagu weydiisto waa gar
·         Gayaankeed inaad u diidaana waa gardarro
·         Inay kugu guumowdaana waa galabsigeed

Saddex waa mugdi, saddex waa u miciin, saddex baa ka macaan, saddexna waxba uga dan ma’aha.
·         Abaar waa mugdi
·         Caws waa u miciin
·         Doog baa ka macaan
·         Nimaan xoolo lahayna waxba uga dan ma’aha.

·         Colaadi waa mugdi
·         Ergo waa u miciin
·         Nabad baa ka macaan
·         Nin dhintayna waxba uga dan ma’aha.

·         Habeen waa mugdi
·         Caddo waa u miciin
·         Maalin baa ka macaan
·         Indhoolana waxba uga dan ma’aha.



Eng : Abdisalan Sa’ed Abdalla Hudur
Graphic Design / Programming / Marketing

Twitter : Abdisalan Hudur
Facebook : Abdisalan Hudur
Skype : Abdislan Hudur
Instagram : Abdisalan Hudur
Google Plus : Abdisalan Hudur
Whatsapp/Viber : +252634407161


MAAN QABOW MA MARANTIDEE IGA HANO MURTIDA